Waxaa lagu soo warramayaa in koox gaysata weerarrada dhanka intarneetka ay u hanjabtay shirkad bixisa adeegga caymiska caafimaad oo laga leeyahay dalka Australia.
Kooxdan ayaa hoosta ka xarriiqday inay muddo 24 saacadood gudahooda ah ku faafin doonto macluumaadka khaaska ah ee macaamiisha shirkadda Medibank.
Shirkaddan ayaa ah midda ugu wayn ee caymiska caafimaad ee wadankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdan ay hanjabaadda soo saartay ka dib markii shirkaddu ay diiday inay u hoggaansanto bixinta lacag baad ah oo laga dalbaday.
Waxay shirkaddu u digtay macaamiisheeda oo ay ku wargelisay inay feejignaadaan.
Waxaa laga cabsi qabaa in arrintan ay saameyn ku yeelato ilaa 10 milyan oo ah macaamiisha Medibank.
Madaxa fulinta ee shirkaddan David Koczkar ayaa bayaan ku sheegay in macaamiisha ay suurtagal tahay inay la soo xiriirto kooxda burcadda ah.
19-kii Oktoobar ayay ahayd markii ay shirkaddu sheegtay in lagu bartilmaameedsaday weerar dhanka intarneetka ah.