Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aankii ay dhawaan hawada uga saartaay qaar ka mid ah Baraha intarneetka ee ay isticmaasho kooxda Al-Shabaab iyo ilaa haatan cinwaannada ay hawada ka saareen.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al cadaala ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku yiri “Ilaa intii aan billownay howlgalka aan ku joojinayno Baraha ay isticmaasho Khawaarijtu, waxaan xirnay in ka badan Shan boqol oo fadhi oo ay ku kala lahaayeen Aaladaha Warbaahinta Bulshada ee Facebook,Twitter, Telegram iyo TikTok.”
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida joogtada ah ee aad noola soo wadaagaysaan Boggaga Khawaarijtu ay isku dayayaan in ay si dhuumaalaysi ah ugu faafiyaan Afkaartooda Habawsan.”
“Runtii inta ugu badan barahaas aan xirnay waa kuwii aad nala wadaagteen walaalayaal oo aan si Maalinle ah u ugaarsanno.”
“Aad ayay Inoo dhiirigalinaysaa sida aad innoola wadaagaysaan god kasta oo ay isku dayaan in ay ku dhuuntaan, aadna waan idinkaga mahadcelinaynaa Walaalayaal.”
“Tani waxeey muujinaysaa sida dhaqsaha ah ee marka aan wada-shaqayno aan uga guulaysan karno Khawaarijta.”