Waxaa la filayaa inay maanta maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee magaalada Nairobi ay ka soo hormuuqdaan 11 ka mid ah mas’uuliyiinta ururka duuliyeyaasha dalka ee (KALPA) .
Waxaa u yeertay garsoore Anna Ngibuini Mwaure.
Mas’uuliyiinta oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha ururka KALPA Captain Timothy Njoroge, iyo ku xigeenkiisa Captain David Magwa ayaa laga doonaya inay faahfaahiyaan sababta aynan ugu hoggaansamin amar maxkamadeed.
Amarka oo soo baxay 31-dii bishii hore ayaa ahaa mid ka hor istaagayay inay shaqo joojin ku dhaqaaqaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shaqo joojin ay Sabtidii billaabeen in ka badan 400 oo ah duuliyeyaal u shaqeynayay shirkadda duullimaadyada wadanka ee Kenya Airways uu ka dhashay khasaare hantiyadeed oo gaaraya hal bilyan oo shilin sida laga soo xigtay madaxa fulinta ee shirkaddan.