Ugu yaraan 19 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay dalka Tanzania gaar ahaan dhanka harada Victoria.
Diyaaradda shilka gashay ayaa waxaa leh shirkadda duullimaadyada ee Precision Air flight.
Ra’iisul wasaaraha dalka Tanzania Kassim Majaliwa ayaa xaqiijiyay in la soo samata bixiyay 26 qof.
Diyaaradda soo sidday ilaa 43 qof oo 39 ka mid ah ay rakaab yihiin ayaa ka soo duushay magaalada Dar es Salaam waxayna burburtay xilli ay isku dayeysay inay ka caga dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Bukoba.
Notice to the public. pic.twitter.com/AWNU4Ae2sC
— Precision Air (@PrecisionAirTz) November 6, 2022