Murkomen oo sheegay inuu oofiyay ballanqaad uu sameeyay

0
338

Wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa sheegay inuu oofiyay ballanqaad uu u sameeyay kenyaanka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wareysi uu siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen uu ku sheegay inuu aad ugu dhow yahay inuu gacanta ku dhigo qandaraaskii lagu bixiyay dhisidda marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka
Waxaa uu xilligaasi ballanqaaday in marka uu faahfaahinta heshiiskan helo uu shaaca ka qaadi doono.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu wasiirka gaadiidka ee dalka ku sheegay in nuqullada heshiiska qandaraaskii SGR uu la wadaagay hoggaamiyaasha aqlabiyadda baarlamaanka iyo aqalka sare ee kala ah kimani ichungwah iyo Aaron cheruiyot si ay goleyaasha ugu soo bandhigaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in nuqul kale uu siiyay warbaahinta.