Waaxda DCI oo shacabka ugu baaqday inay ka taxadaraan baraha been abuurka ah

0
338

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay waxay dadweynaha uga digtay akoonno laga sameystay baraha ay bulshada ku wada xiriirto gaar ahaan Twitter-ka kuwaasoo ay ku qoran yihiin magacyada shakhsiyaad caan ah.
Waaxda ayaa sheegtay in dadka akoonnadan adeegsanaya ay iska dhigayaan xubnaha qoyska koowaad ee dalka sida madaxweynaha iyo xaaskiisa , madaxweyne ku xigeenka , madaxa cadaaladda iyo mas’uuliyiin sar sare oo dowladda ka tirsan sida wasiirro.
Kenyaanka ayaa lagu wargeliyay in shakhsiyaadkan ay ku howlan yihiin dhagar iyagoo isticmaalaya magacyada dad la garanaya si loo aamino oo ay qaabkan lacago ugu uruuriyaan.
Waaxda dambi baarista ayaa muwaadin kasta kula talisay inuunan lacag u dirin qof adeegsanaya magaca mas’uul ama cid saameyn leh si loo caawiyo.
DCI ayaa sheegtay in tusaale akoonka rasmiga ee marwada koowaad ee dalka uu yahay mid leh calaamadda buluugga ee muujinaysa in bartaasi la xaqiijiyay.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa horay cabasho uga muujiyay in akoonno lagu furtay magaciisa, dadweynaha lagu khiyaanay.