Wasiiradda wasaaradda dalxiiska ee dalka ,Peninah Malonza ayaa kenyaanka u xaqiijisay in dowladda dhexe ay lacag magdhow ah oo dhan 2.66 bilyan oo shilin ay ugu tala gashay dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay duurjoogta.
Arrintan ayay ka sheegtay suuqa Katse ee ismaamulka Kitui oo ay gaarsiisay deeq gargaar ah oo loogu talagalay qoysaska liita.
Malonza ayaa hoosta ka xarriiqday in qorshaha lagu bixinaya lacagaha magdhowga ah ee ay dowladdu horay u ballanqaaday uu meel gabagabo ah maraya.
Waxay intaasi ku dartay inay warqad u qortay baarlamaanka oo ay sugeyso ansixinta 2.66 bilyan oo shilin.
Malonza ayaa xustay in lacagtan loo qoondeeyay qoysaska ay duurjoogta dad ka dishay , dhaawacday ama dalagooda laga burburiyay.
Waxay intaasi ku dartay in tirada kiisaska loo gudbiyay dowladda ee la xiriira waxyeellada duurjoogta inay yihiin 2,663 .