Madaxweynaha dalka oo maanta labo farriimood ka jeedin doono kulanka COP27

0
221

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa galinkii dambe ee shalay safar ku tagay wadanka Masar.
Waxaa uu magaala xeebeedda Sharm El-Sheikh ee dalkaasi uga qayb galaya shirka sanadkan ee qaramada midoobay ee looga arrinsanaya wax ka qabashada isbeddelka ku yimaada cimillada.
Kulanka COP27 oo ay ka qayb qaadanayaan mas’uuliyiinta in ka badan 130 dowladood ayaa socon doono ilaa 18-ka bishan.
Waxaa shirka si rasmi ah u furay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Sameh Shoukry.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraal ku sheegtay in hoggaamiyaha wadanka uu u ololeyn doono dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixday magaalada Paris ee Faransiiska ee ay sanadkii 2015-kii ansaxiyeen 196 dowladood oo xilligaasi ka qayb qaatay kulankii isbeddelka cimillada ee COP21.

William Ruto ayaa ka dib markii uu gaaray Masar waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa Rwanda ,Paul Kagame.
Mas’uuliyiinta ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeya dalalkooda ee ku saleysan dan wadaag dhanka dhaqaalaha , waxbarashada iyo amniga ah.
Kulanka ka dhacaya Masar ayaa ku soo beegmaya xilli qaaradda Afrika ay wajahaysa xaalado adag oo dhanka cimillada ah , sare u kac shidaal iyo qiimaha cunnooyinka oo kordhay.

Kenya ayaa la daala dhacaysa ka falcelinta saameynta abaartii ugu darnayd ee soo marta muddo 40 sano ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo ah guddoomiyaha guddiga madaxda dowladaha Afrika ee dhanka isbeddelka cimillada ayaa maanta oo Isniin ah jeedin doono labo farriimood , mid ka socoto Kenya iyo midda Afrika.