Dadweynaha iyo maamulka xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa cabasho ka muujiyay qaybta raashiinka ee xeradaasi oo ay sheegeen in la dhimay maalmihii cunnada loo qaybin jiray taas oo uu ka dhashay culeys ay doonayaan in wax laga qabto.
Hay’adda cunnada adduunka ee WFP xafiiskeeda Dadaab oo aan xiriir la sameeynay si ay uga jawabaan cabashada bulshada iyo dhaliisha loo jeediyay nooma suura galin marka ugu horreysa ee aan falcelin ka helno waan idiin soo gudbin doona.