Duuliyeyaasha KQ oo berri shaqo joojin billaabaya

0
264

Duuliyeyaasha diyaaradaha shirkadda Kenya Airways ayaa wacad ku maray inay berri shaqo joojin ku dhaqaaqayaan.
Waxaa arrintan xaqiijiyay ururka duuliyeyaasha ee dalka (KALPA) oo sheegay in xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin 14 cisho ah guda galayaan laga billaabo 5-ta bishan oo berri ah.
Bayaanka ururkan waxaa ku cad in marka uu waaga baryo Sabtida aynan jiri doonin diyaarad uu kaxeynaya xubin ka tirsan ururkan oo ka duuli doonto gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Waxaa bayaanka soo saaray madaxa fulinta ee KALPA Captain Muriithi Nyagah.
Waxaa uu sheegay in shaqaalaha iyo maamulka shirkadda duullimaadyada ee Kenya Airways aynan weli ka heshiin tabashooyin jira.
Waxay dalbanayaan in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan duuliyeyaasha sidoo kalena wax laga beddelo habka loo maamulo shirkadda.
Ururka ayaa dalbanaya in shaqaalaha la siiyo lacago ka maqan.