Kenya iyo Maraykanka oo xoojinaya xiriirka ganacsi

0
346

Wasiirka wasaaradda ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha ee dalka Moses Kuria ayaa wada hadal la yeeshay wakiilka arrimaha ganacsiga ee Maraykanka Katherine Tai.
Labada mas’uul ayaa diiradda saaray sida lagu xoojin karo ganacsiga u dhexeya labada dal iyadoo laga amba-qaadaya heshiis qalinka lagu duugay 14-kii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in haweenka iyo dhallinyarada laga qayb geliyo howlaha ganacsiga sidoo kalena la taageero ganacsiyada yaryar.
Kenya iyo Maraykanka waxay iska kaashan doonaan horumarinta isdhexgalka ganacsi ee qaaradda Afrika.