Madaxweynaha dalka William Ruto oo socdaal horumarineed ku maraya ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ayaa xalay fiidkii kulan la qaatay hoggaamiyaasha dowlad deegaanka Mandera.
Waxaa uu sheegay in ay mudnaan siinayaan sidii loo xaqiijin lahaa in qayb ka mid ah dalka aynan ku dambeyn dhinaca horumarka.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in ay la shaqeynayaan siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyada kala duwan si loo hubiyo midnimada kenyaanka iyo in la gaaro barwaaqo uu muwaadin kasta ku faanaya.
Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta Mandera kala hadlay barnaamijyada mudnaanta leh ee ismaamulkaasi sida amniga , horumarinta kaabayaasha , waxbarashada , daryeelka caafimaad, gaadiidka , biyaha, ka faa’iidaysiga dhaqashada xoolaha iyo maareynta nadaafad darrada.
Ku xigeenka madaxweynaha qaranka Prof. Kithure Kindiki ayaa dhankiisa xusay in kulankii xalay uu ahaa mid wada tashi ah oo diiradda lagu saaray u adeegidda shacabka iyo fulinta mashaariicda dowladda.
William ayaa sheegay in markii ugu horreysay taariikhda dalka , la dhisi doono waddo uu dheerarkeedu yahay 750 kiilomitir oo xiriirinaysa Isiolo- Modogashe- Ceelwaaq iyo Mandera si loo dardargeliyo kobac dhaqaale.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa shalay furay xarunta ICT-da ee machadka tababarka caafimaad ee KMTC ee ismaamulka Mandera si dhallinyarada ay halkaasi uga helaan fursadaha shaqo ee online-ka ah.
Sidoo kale waxaa uu si rasmi ah u furay machadka tababarka caafimaadka ee Mandera si saraakiisha caafimaadka ay u helaan xirfadaha horseedi karo in lagu guulaysto barnaamijka UHC.
Dhanka kale , hoggaamiyaha qaranka ayaa hoosta ka xarriiqay in aan marnaba lagu cabsi gelin karin inuu xilka madaxweynennimo haynaya hal muddo xileed keliya oo aan dib loo soo dooran doonin sanadka 2027-da.
Waxaa uu sheegay in shaqada uu waqti xaadirkan qabanaya ay tahay fulinta mashaariicda horumarineed.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in qofka isku dayaya inuu walaac ku beero uu yahay shakhsi aan weligii madaxweyne noqon.
Waxaa uu sidoo kale siyaasiyiinta ku boorriyay in aynan ku mashquulin doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Ruto ayaa madaxda kula taliyay in ay shacabka u adeegaan oo aynan diiradda saarin sidii mar kale dib loogu codeyn lahaa.
Waxaa uu tilmaamay inuu farqi u dhexeeya hoggaaminta iyo siyaasadda isagoo dib u dhaca horumarineed ee waddanka ka jira u aaneeyay hoggaan xumo.