Madaxweynaha dalka oo sheegay in la taageeri doono machadka macallinnimada ee Tarbaj

0
41

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta tagay ismaamulka Wajeer ayaa sheegay inuu taageeri doono machadka lagu barto macallinnimada ee deegaanka Tarbaj si loo haqabtiro baahiyaha halkaasi ka jira ee dhanka waxbarashada ah.
Waxaa uu hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka Waqooyi Bari ku bogaadiyay in ay dadaal ku bixinayaan xallinta caqabadaha dhanka tacliinta .
Ruto ayaa sheegay in si loo xalliyo macallimiin yarida ka jirta gobolka ay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo machadyada lagu barto xirfaddan.
Maamulaha machadka lagu tababaro macallimiinta ee Tarbaj ayaa sheegtay in xaruntaasi ay wax ka bartaan 108 arday ah oo isugu jiro 49 rag iyo 59 haween ah.
Waxay intaasi ku dartay in goobtaasi ay ka shaqeeyaan 10 macallimiin oo u diiwaangashan guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Maamulaha ayaa sheegtay in ay u baahan yihiin in loo dhiso fasallo dheeraad ah, qaybaha jiifka, qaybta ardayda cunnada loogu kariyo oo casri ah, tasiilaadka cayaaraha, shaybaarka lagu barto culuunta kombiyuutarka iyo bas.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqday in ay wajahayaan gaabad dhanka biyaha ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo carrabka ku adkeeyay inuu ku dadaali doono baahiyaha uu wajahaya machadka macallimiinta ee Tarbaj ayaa shaaciyay inuu xildhibaanka deegaankaasi Xuseen Cabdi Barre ku wareejinaya 5 milyan oo shilin si howsha loo sii billaabo.