Wetangula:Shacabka ha soo gudbiyaan warbixinnada xoghayeyaasha

0
334

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa kenyaanka fursad u siinaya inay gudbiyaan warbixinnadooda ku saabsan 51 qof oo uu soo xushay madaxweynaha dalka William Ruto si ay u qabtaan xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda sare.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in saraakiishan la turxaan bixiyo 14-ka ilaa 18-ka bishan 11-aad.
Karraaniga baarlamaanka dalka Samuel Njoroge ayaa sheegay in warbixinnada lagu gudbinaya qaab qoraal ah oo ay dhaarasho weheliso.
Dadweynaha ayaa haysta ilaa 5-ta galabnimo ee maalinka Jimcaha ee toddobaadka dambe.
Guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula oo helay qoraal uga yimid xafiiska madaxweynaha ayaa karraaniga la wadaagay inuu dadka la turxaan bixinaya iyo si guud kenyaanka u faahfaahiyo geeddisocodka turxaan bixinta iyo goobta lagu qabanaya.
Wetangula ayaa sheegay in guddiyada baarlamaanka laga doonaya inay turxaan bixinta ka dib warbixintooda golaha u gudbiyaan ugu dambeyn 24-ka bishan.
Ruto ayaa 51-ka qof ka soo xushay liis ka koobnaa 250 oo uu u gudbiyay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Shakhsiyaadkan waxaa ka mid ah xildhibaankii hore ee deegaanka Lang’ata MP Nixon Korir, xoghayihii hore ee horumarinta gobollada Belio Kipsang iyo barasaab ku xigeenkii hore ee ismaamulka Nairobi Jonathan Mueke.