Booliiska Wajeer oo xiray labo eedeysanayaal

0
221

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Wajeer ayaa xiray labo qof oo loo haysto dhac rabshadeysan oo xilli dambe oo habeen ah loo gaystay kaalinta shidaalka ee Shawal Petrol Station .
Eedeysanayaasha ayaa kala ah John Mwaura oo 49 sano jir ah iyo Muia Mutuku oo ay da’diisu tahay 28.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in kaalintaasi shidaalka ay weerareen burcad ka kooban 5 oo iska dhigayay ciidamo booliis ah kuwaasi oo dhacay 30,000 oo lacag caddaan ah.
Tuhmaneyaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah iyadoo ay saraakiisha sheegeen in ay ku raadjoogaan eedeysanayaasha kale.