Maraykanka oo bogaadiyay kaalinta ay Kenya ka qaadatay nabadeynta Itoobiya

0
259

Dowladda Maraykanka ayaa bogaadisay kaalinta ee Kenya ka qaadaneysa nabadeyta waddamada qaar ee colaadaha ka jiraan ee ku yaalla Bariga, Geeska iyo Bartamaha qaaradda Afrika.
Waxaa ay ku ammaantay maamulka madaxweynaha dalka William Ruto ee doorka ay Kenya ka qaadatay horumarinta nabadda ee Itoobiya.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu la hadlay madaxweynaha wadanka William Ruto, si uu ugu hambalyeeyo doorka Kenya ay ka qaadaneyso geeddi-socodka nabadda ee dalka Itoobiya.
Hadalka Antony Blinken ayaa imaanaya labo cisho un ka dib markii dowladda Itoobiya iyo fallaagada gobolka waqooyi ee Tigray ee TPLF ay gaareen heshiis lagu soo afjarayo dagaalladii sokeeye ee muddada labada sano ah ka socday gobolkaasi.
Waxaa dagaalka labada dhinac ka dhashay dhimashooyin, barakac iyo dhibaatooyin kale.
Heshiiska nabadeed ayaa daba socday wadahadallo maalinkii Arbacada ee toddobadkan lagu qabtay dalka Koonfur Afrika oo ay hoggaaminayeen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Midowga Afrika (AU) oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta oo uu hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka u magacaabay ergayga arrimaha nabadgalyada ee waddamada Burundi, Congo, Rwanda, Uganda iyo Itoobiya.
Uhuru Kenyatta ayaa tobankii sano ee uu Kenya hoggaaminayay waxaa uu si wayn uga qayb qaatay wada hadallada nabadeed ee dalalka Itoobiya , Suudaanta Koonfureed, Congo iyo Soomaaliya.
Dhanka kale xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken Biden ayaa sidoo kale ku ammaanay Kenya iyo dowladaha kale ee jaaliyadda Bariga Afrika (EAC) dadaalka ay ugu jiraan xasilinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo hadda dagaal kula jirta fallaagada M23.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca ee KDF-ta u diray DRC, iyagoo ku biiray howlgalka nabadsugidda ee Congo.