Militariga Myanmar oo lagu eedeyay inuu dilay ugu yaraan 70 qof

0
542

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ee dalka Myanmar Tom Andrews, ayaa eedeyn u jeediyay ciidamada militariga ee wadankaas.
Waxaa uu sheegay in ay dileen in ka badan 70 qof tan iyo markii ay dibadbaxyada billowdeen.
Xilli uu Tom Andrews shalay u warramay golaha xuquuqul insaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayuu xusay in ay jiraan caddeymo isa soo taraya oo ku aaddan dilal , jir dil iyo baabi’in bulsho.
Mr. Andrews ayaa sheegay in runta la dhibsanaya ay tahay in Myanmar uu ka jiro xukun sharci darro oo dilaa ah sida uu hadalka u dhigay.
In ka badan kala bar dadka la dilay ayay da’doodu ka hooseysaa 25 sano halka ugu yaraan 2,000 qof oo dheeraad ah si sharci darro ah lagu xiray.
Shacabka Myanmar ayaa dhigaya mudaharaadyo ay ku dalbanayaan in militariga ee talada dalkaas dib ugu celiyo maamulkii rayidka ee uu ka afgembiyay 1-dii bishii hore .