Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Mahdi Maxamed oo aas-qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.
Diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa markii ay ka soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.
Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aaskan Qaran ee loo sameeyay Cali Mahdi Maxamed uu sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Madaxweyneyaashii hore ee dalkaas Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiirka wasaaradda amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Cumar Maxamuud Cumar Filish oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay dulqaadka ay muujiyeen maadaama maanta waddooyinka Muqdisho la xiray iyo sida ay kaga qayb galeen aaska loo sameeyay Alle ha u xanariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamad
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo aas-qaran loogu sameeyey Muqdisho