Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa shaacisay in ay hakin doonto xiriirka dhanka gaashaan dhigga ee ay kala dhexeya wadanka Myanmar.
Waxaa sidoo kale la mamnuucayaa hubka dalkaas loo dhoofiyo.
Tani ayaa timid ka dib markii ay sare u kaceen howlgallada lagu tilmaamay kuwo rabshadeysan ee ay ciidamada ammaanka kaga falcelinayaan dibadbaxyada.
Sidoo kale Kuuriyada Koonfureed ayaan waxyaabaha muhiimka ah geyn doonin Myanmar waxayna ka baaran degaysaa dib u eegista gargaarka dhanka horumarka iyo baniaadanimada ilaa iyo ay xaaladda taagan ka soo hagaagayso.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa bayaanka ku sheegtay in kastoo beesha caalamka ay marar badan dalabaad u dirtay militariga Myanmar , in weli ay sii kordheyso tirada dhibanayaasha tani oo loo aaneynaya awoodda ay adeegsanayaan ciidamada difaaca ee booliska ee ka dhanka ah dibadbaxayaasha.