Dibadbaxyo dheeraad oo ka socdo Myanmar

0
349

Waxaa weli dalka Myanmar ka socdo dibadbaxyo ay hor kacayaan dadka u ololeeya arrimaha bulshada, dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga.
Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeedaa afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay 1-dii bishii hore.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qareenka u doodaya haweeneydii wadankaas hoggaaminaysay Aung San Suu Kyi ee la xiray uu arrin lagu qoslo ku tilmaamay eedeymo la xiriira laaluush qaadasho oo loo jeediyay.