Xildhibaanka deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a ,Ndindi Nyoro ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan miisaaniyadda iyo qoondeynta dhaqaale.
Waxaa Nyoro ku xigeen u ah dhigiisa Koonfurta Teso ee ismaamulka Busia ,Mary Emase.
Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga ODM John Mbadi ayaa si tartan la’aan ah loogu doortay guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee xisaabaadka (PAC).
Mr .Mbadi, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in dowladda dhexe uu kula xisaabtamo qaabka ay u adeegsato lacagaha dadweynaha.
Waxaa ku xigeen u ah mudanaha deegaanka Butere ee ismaamulka Kakamega ,Tindi Mwale.
John Mbadi oo ahaa madaxii siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaankii 12-aad ee dalka ayaa sheegay in marka ugu horreysa ay kulan la qaadan doonaan wasaaradda maaliyadda , guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC iyo waaxda dambi baarista ee DCI si ay uga hadlaan qaabka ay u wada shaqeyn karaan.