Ruushka oo 100 milyan oo gargaar ah siinaya Mali

0
219

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay gargaar cunno, bacrimin iyo shidaal ku kacaya 100 milyan oo doolar gaarsiin doonto dalka Mali.
Wasiirka wasaaradda dhaqaalaha ee Mali ,Alousseini Sanou, ayaa laga soo xigtay inay deeqdan rajeynayaan toddobaadyada nagu soo aaddan gudahooda.
Bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxda labada dal ay taageeradan ka wada hadleen si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeya.
Sanou ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Moscow ay Mali u soo direysa 60,000 taan oo shidaal ah ,30,000 taan oo bacrimin ah iyo 25,000 taan oo qamadi ah.