DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya oo mashaariic xariga kaga jaray Murang’a

0
664

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i oo ay wehelinayaan dhigiisa gaadiidka James Macharia iyo Joe Mucheru oo ah wasiirka isgaarsiinta, warfaafinta iyo tiknolojiyadda ee dalka ayaa mashaariic dhowr ah xariga kaga jaray ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka.
Waxaa mashaariicdan maalgelinaya sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee NGCDF_Kenya.
Sidoo kale waxaa uu dhagax dhigay dhismaha suuqa Kangari oo ay ku baxayso lacag dhan 320 milyan oo shilin.
Suuqan ayaa la filayaa inuu kaalin weyn ka qaato arrimaha ganacsiga ee degmada Kigumo iyo deegaannada ku dhow.
Dr. Fred Matiang’i ayaa dhanka kale sheegay in beeralayda Kenya ay xaq u leeyihiin in ay doortaan mas’uuliyiin hoggaamiyo.
Waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay taageeridda wax soo saarka beeralayda wadanka.