Ka dib go’aan ka soo baxay maxkamadda ayaa wixii hadda ka dambeeya qofkii shaqadiisa laga eryo waxaa uu xaq u yeelanaya inuu helo faa’iidooyin ay ka mid yihiin lacagaha howlgabka , gunnooyinka sanadlaha ah iyo lacagta qofka la siiyo marka ay shaqada ka dhammaato.
Arrintan ayaa waxaa shaaciyay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC oo cuskanaya go’aan ay soo saartay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee wadanka.
Maxkamadda ayaa sharci darro ku tilmaantay xeerar ay sheegtay inay ka soo horjeedaan caadooyinka dhanka shaqaaleysiinta.