Guddoomiyaha ismaamulka Meru Kawira Mwangaza ayaa sheegtay inuu baaqday kulan ay maanta la qaadan lahayd wakillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa ay xustay in wakiilladii ay shirka ku casuuntay ay sheegeen in howlahooda shaqo ay aad ugu mashquulsan yihiin.
Barasaabka dowlad deegaanka Meru ayaa intaasi ku dartay in markii diyaar u noqdaan kulanka ay la qaadaneysa wakiillada laga soo doortay deegaannada hoose ee ismaamulkaasi ay casuumi doonto.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii xarunta golaha hoose ee Meru la geeyay dacwad lagu doonaya in xilka looga qaado Kawira oo ku eedeysan maamul xumo.