Saameynta abaarta daba dheeraatay ee ka jirto wadanka waxaa ka mid ah in ugu yaraan 600,000 oo qof oo ku nool gobolka Xeebta ay wajahayaan macluul.
Guud ahaan dalka waxaa gargaar baniaadanimo oo degdeg ah u baahan 4.35 milyan oo ruux.
Ku xigeenka xoghayaha guud ee hay’adda laanqayrta cas ee dalka ,Annette Msabeni ayaa sheegtay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo dhibbanayaasha lagu gaarsiinaya biyo , cunno iyo adeegyo caafimaad.
Waxay sheegtay in dadka ay abaarta ku saameysay gobolka Xeebta ay tiradoodu tahay 678,000 qof iyadoo tani ay sii kordheysa.
Sidoo kale waxaa la soo tabiyay dhacdooyin la xiriira nafaqo darro haysata carruur, hooyooyin uur leh iyo kuwo ubadka nuujinaya.
Msabeni ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda ay samafalayaal ka heleen gargaar cunno oo u dhigma 58 milyan oo shilin.
Waxaa uu qorshuhu yahay in deeqdan raashiinka ah loo qaybiyo 12,000 oo qoysas ah oo ku nool afar ka mid ah ismaamullada gobolka Xeebta ee ay si wayn uga jirto saameynta abaarta.