DHAGEYSO:Faahfaahin ku saabsan aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi

0
603

Guddiga uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble u xil saaray qaban qaabada aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Cali Mahdi Maxamad ayaa faahfaahin ka bixiyay heerka uu maraya qorshaha aaska .
Waxaa warbaahinta xalay la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo sheegay in maanta meydadka Cali Mahdi la geyn doono magaalada Muqdisho si salaadda Jimcaha ka dib meydkiisa loogu tukado kadibna loo aaso.

Wasiirka dowlaha arrimaha diinta iyo awqaafta ee Soomaaliya ayaa isna muslimiinta iyo maamullada masaajidda kala duwan ka codsaday in ay u duceyaan Cali Mahdi oo maalmo ka hor ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalkani Kenya.