Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha dalka ayaa ku warramaya in dowladda Kenya ay ka mid noqotay waddamo muddo 6 bilood ah loo oggolaaday inaysan bixin deymo lagu yeeshay.
Waxaa go’aankan soo saaray ilaa iyo 10 waddan oo ay ka mid yihiin Faransiiska , Japan iyo Maraykanka oo deymo siiyo dowladaha uu dhaqaalahoodu soo kobcayo.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday warqad ka soo baxday ururka amaahda bixiya ee Paris Club creditors.
Go’aankan Kenya loogu oggolaaday inaysan 6 bilood bixin deymaha lagu leeyahay ayaa dhaqangalay laga soo billaabo 1-dii bishan wuxuuna shaqeynayaa ilaa 30-ka bisha lixaad ee sanadkan.
Waxaa bayaanka ku cad in tani ay dowladda Kenya fursad u siin doonto inay xoojiso daahfurnaanta la xiriirta deyn bixinta iyo maareynta lacagaha amaahda ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo cudurka COVID-19 uu saameyn xooggan ku yeeshay dhaqaalaha wadanka iyo si guud caalamka.
Ururka Paris Club Creditors waxaa sidoo kale xubno ka ah Belgium, Canada, Denmark, Germany, Italy, Korea iyo Spain.
Heshiiska la gaaray waxaa kormeerayaal ka ahaa wakiillo matalaya dowladaha Australia, Austria, Brazil, Finland, Ireland, Israel, the Netherlands, Norway, the Russian Federation, Sweden, Switzerland iyo Ingiriiska.
Deymaha shisheeye ee hadda lagu leeyahay Kenya ayaa ah in ka badan 8 tiriliyoon oo shilin.