Senatarka ismaamulka Murang’a ahna mas’uulka xisbiga talada haya ee Jubilee u qaabilsan dhanka nidaamka ee aqalka sare Mr. Irungu Kanga’ta ayaa difaacay warqad uu dhawaan u qoray madaxweyne Uhuru Kenyatta taasoo siyaabo kala duwan looga hadlay.
Waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in indha-indhayn qiimeyn ah oo uu sameeyay ay uga soo baxday in qorshaha sharci beddelka ee BBI uunan taageero buuxda ku lahayn gobolka bartamaha dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tobankii qof ee ku nool Murang’a labo la mid ah keliya ay taageersan yihiin qorshahan.
Arrinkan ayaa lagu dhaliilay waxayna siyaasiyiin uu ka mid yahay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya senatarka ku tilmaameen shakhsi isagoo sumcad siyaasadeed raadinaya abuurayo jahwareer.
Hasa ahaate Mr. Irungu ayaa sheegay inuusan wax iska beddelin mowqifkiisa .
Waxaa uu intaa raaciyay inay suuragal tahay in qorshaha BBI uu ku fashilmo gobolka bartamaha dalka balse laga soo dhaweeyo ismaamullada kale.
Mr. Kang’ata ayaa carrabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay cawaaqib kasta oo uu kala kulmo go’aankiisa balse uu rumeysan yahay inuu madaxweynaha dalka runta u sheegay.
Senatarka ayaa sheegay in xita uunan ka cabsi qabin in xilkiisa laga qaado.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in si loogu guulaysto hannaanka wax looga beddelayo dastuurka dalka ay khasab tahay in xeelad kale oo siyaasadeed lala yimaado.
Senatarka Murang’a ayaa soo jeediyay in la qaato talooyinka wanaagsan ee ku saabsan BBI iyadoo aan lagu saleyn qofka soo bandhigay.
Kang’ata ayaa sheegay inay jiraan talooyin aad u fiican oo ka yimid dhanka siyaasiyiinta taabacsan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Qodobadan waxaa ka mid ah in marka la qabanayo aftida lagu beddelaya dastuurka dalka aan hal su’aal oo keliya shacabka la weydiin balse ay jiraan arrimo dhowr ah oo ay u codeyn karaan.
Kang’ata ayaa hasa ahaate ka qoomamooday qaabkii loo dusiyay warqadii uu madaxweynaha u qoray isagoo xusay in sidaasi aan ula kac loo sameyn.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in warqadda uu la wadaagay xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare Samuel Poghisio oo ilaa iyo hadda uunan fahmin qaabkii ay ku soo shaac baxday.