Karua oo doonaysa inuu xafiiska baneeyo Nuurdiin Xaaji

0
554

Madaxa xisbiga NARC Kenya ,Martha Karua ayaa dalbatay inuu xafiiska baneeyo agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji.
Tani ayaa timid ka dib wareysi uu dhawaan bixiyay Nuurdiin Xaaji oo uu dhaliilo ugu jeediyay agaasimihii hore ee waaxda dambi baarista wadanka George Kinoti oo uu ku tilmaamay shakhsi fulinayay dano gaar ah.
Hasa ahaate Karua ayaa sheegaysa in Nuurdiin hadalladiisa laga dheehan karo inuunan u qalmin hoggaaminta waaxda dacwad oogidda wadanka sidaasi awgeedna looga baahan yahay inuu is casilo.