Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr.Moses Wetang’ula ayaa sheegay in aan meesha laga saari doonin sanduuqa horumarinta deegaan baarlamaneedyada ee CDF.
Waxaa uu sheegay inuu jiro qorsho dib loogu hirgelinaya miisaaniyaddan oo ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ku tilmaantay sharci darro.
Wetang’ula ayaa intaasi ku daray in galinka dambe ee maanta la qaban doono dood ku saabsan xeerka la xiriira sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF Act oo ay mudanayaasha qaar doonayaan in isbeddel lagu sameeyo.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa carrabka ku adkeeyay in dhaqaalahan uu muhiimad wayn u leeyahay qorshaha horumarineed ee dowladda dhexe si gaar ah dhisidda dugsiyada , mashaariicda horumarinta bulshada iyo ardayda oo laga bixiyo qarashaadka tacliinta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in mudanaha deegaanka Matungulu ,Stephen Mule iyo dhigiisa Gichugu ,Robert Gichumu ay maanta baarlamaanka u gudbiyaan hindise sharciyeed lagu daboolayo dulduleellada dhanka sharciga ee CDF.
Bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii shan garsoorayaal ah oo ay hoggaaminaysay madaxa waaxda cadaaladda ee dalka Martha Koome ay go’aamiyeen in CDF aynan waafaqsanayn dastuurka dalka maadaama ay ku xadgudbayso kala saaridda awoodaha dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Deegaan baarlamaneed kasta waxaa sanadkiiba la siiyaa ugu yaraan 100 milyan oo shilin oo ay mudanayaasha ku hirgeliyaan mashaariic kala duwan.