Guddoomiyaha Kajiado oo sheegay in In ka badan 110,000 oo qoys ay abaartu ku saameysay ismaamulkaasi

0
264

Barasaabka dowlad deegaanka Kajiado Joseph ole Lenku ayaa shaaca ka qaaday in abaarta saameysay 29 ka mid ah ismaamullada wadanka ay sidoo kale saameyn ku yeelatay 110,000 oo qoys oo ku nool dowlad deegaankaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u liidato, isagoo xusay in ismaamulka Kajiado ay afartii bilood ee ugu dambeeyay ay abaar ka jirtay.
Mr. ole Lenku ayaa tilmaamay in marka loo eego saameynta ay abaartu ku yeelatay dadka, ayaa dhanka kale 400,000 oo neef oo ay lo’ u badan tahay ay u baahan yihiin cunno iyo daaq degdeg ah.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in goobaha ay abaartu si daran u saameysay ay yihiin ismaamullada xoola dhaqatada.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo xoolo dhaqatada ismaamulka Kajiado ay saameynta abaarta ee daba dheeraatay ku qasabtay in neefkii lo’da ah ay ku iibiyaan 500 oo shilin ka hor inta aynan abaarta galaafan.
Ariga ayaa neefkii lagu iibinaya 100 shilin.
Waxay sheegayaan in tani aynan wax faa’iido ah ugu jirin balse aynan waddo kale u furnayn maadaama ay u baahan yihiin inay noloshooda maareeyaan.
Dhanka kale In ka badan 4.3 milyan oo qof ayaa u baahan taageero joogto oo cunto iyo biyo ah, gaar ah kuwa nool ismaamullada ay abaartu saameysay ee dalka.