Aadan Barre Ducaale iyo wasiirro dheeraad ah oo xafiisyada la wareegay maanta

0
545

Waxaa xafiiskiisa maanta si rasmi ah ula wareegay wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale.
Eugene Wamalwa ayaa xilka ku wareejiyay.
Aadan Barre Ducaale oo warbaahinta kula hadlay daarta wasaaraada gaashaandhigga wadanka ee UIinzi House ee magaalada Nairobi ayaa u mahadceliyay ciidamada difaaca dalka ee sida diiran u soo dhaweeyay.
Waxaa uu qiray shaqada wanaagsan ee u qabatay Eugene Wamalwa, isagoo sheegay inuu halkaasi ka sii wadi doono.
Mr. Ducaale ayaa ballanqaaday inuu xoojin doono arrimaha ciidamada difaaca ee dalka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Aadan Barre Ducaale uu iska casilay kursiga deegaan baarlamaaneedka Garissa Township ee uu muddo badan shacabka halkaasi ku matalayay golaha qaran ee xeer dejinta.
Waxaa sidoo kale maanta xilkeeda la wareegtay wasiirka caafimaadka Susan Nakhumicha
Susan Nakhumicha ayaa u mahadcelisay mas’uulkii ka horreeyay Mutahi Kagwe.
Waxaa ay sheegtay in aad ugu faraxsanahay shaqada wayn ee u qabtay wasiirkii ka horreeyay iyo mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka.
Mrs. Susan ayaa intaasi ku dartay inay rajeynaysa in ay sameyso waxyaabo badan oo waaweyn oo muhiim ah.
Waxaa ay ku boorisay shaqaalaha wasaaradda in ay naftooda u huraan bixinta adeeg tayo leh si loo xaqiijiyo in dadka Kenyaanka ah ay helaan daryeel wanaagsan.
Nakhumicha ayaa dhanka kale u mahadcelisay madaxweynaha dalka William Ruto fursadda uu u siiyay inay u adeegto Kenyaanka.
Waxaa sidoo kale maanta xafiiskiisa la wareegay Simon Chelugui oo uu hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka u magacaabay wasiirka iskaashatada iyo horumarinta ganacsiyada yaryar.