Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay dhismaha wasaaradda waxbarashadda oo ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaana saacaddihii ugu dambeeyay maydad kale laga soo saaray dhismayaasha ku burburay qaraxyada.
Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegeysa in tirada dhimashadu ay haatan marayso 120 qof.
Dhanka kale waxa socda gurmad loo sameynayo dadka ay dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee Sabtidii Muqdisho ka dhacay.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay magacowday Guddi heer wasiirro ah oo isku dubarida howlaha gurmadka ee socda, waxana guddoomiye u ah wasiirka caafimaadka Dr.Cali Xaaji.