Waxaa la xaqiijiyay in gudaha dalka Uganda ay ku dhinteen 11 qof oo carruur u badan.
Tani ayaa timid ka dib markii galinkii hore ee maanta uu dab qabsaday dugsiga ay dhigtaan ardayda aragga naafada ka ah oo ku yaalla Uganda.
Booliska wadankaasi ayaa xaqiijiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dabka oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxa sababay.
Waxay intaasi ku dareen in 6 qof oo ay dhaawacyo culus soo gaareen xaaladooda caafimaadna ay liidato in isbitaalka la dhigay.
Dugsiga uu dabka ka kacay ayaa loo yaqaanaa Salama wuxuuna ku yaalla degmada Mukono ee bariga caasimadda Kampala.
Laamaha ammaanka ee Uganda waxay sheegeen inay guda galeen baaritaano ku aaddan dhacdadan oo ay faahfaahin dheeraad ah dib ka soo sheegi doonaan.