Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya booliska ee (IPOA) ayaa waxaa uu ismaamulka Kajiado u diray koox qaabilsan falcelinta degdegga ah .
Tani ayaa timid ka dib markii la dilay wariye u dhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Arshad Sharif.
Guddoomiyaha IPOA ,Anne Makori, ayaa sheegtay inay billaabeen baaritaannada oo ayna ka talo bixin doonaan maxkamadeynta Shakhsiyaadka falkan ka dambeeyay.
Makori ayaa warbaahinta u sheegtay in dilka wariyaha uu abaare 10-kii habeenimo ee 23-kii bishan uu ka dhacay suuqa Tinga ee ismaamulka Kajiado .
Arshad Sharif ayaa sida la sheegay la toogtay xilli baabuur siday uu marayay waddada wayn ee xiriirisa Nairobi-Magadi.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ee NPS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Arshad Sharif si aan ula kac ahayn loo toogtay.
Waxaa xilligaasi baabuurka saarnaa isaga iyo walaalkiisa Khurram Axmed oo baabuurka waday.
Waaxa ayaa hoosta ka xarriiqday inay ka qoomameynayso dhacdada lagu toogtay Arshad Maxamad Sharif oo ay da’diisu ahayd 50 sano.
Afhayeenka booliska dalka Bruno Shioso ayaa qiray in dilka uu gaystay sarkaal boolis.
Waxaa uu intaasi ku daray in arrintan ay dhacday ka dib markii wargelin ka soo baxday saldhigga booliska ee Pangani oo la xiriirtay baabuur la xaday oo ay saraakiisha ku raadjoogeen ay keentay in howlgal laga sameeyo Magadi.
Bayaanka booliska waxaa ku cad in baabuurka wariyaha u dhashay Pakistan uu soo maray beeriyaalka booliska ay sameyeen ka dibna rasaas lagu furay oo uu dhaawac culus gaaray Arshad Maxamad Shariff ka hor inta uunan geeriyoon.
Waxaa dilkiisa shaaca ka qaadday xaaskiisa Javeria Siddique oo sheegtay in odaygeeda lagu dilay Kenya.
PRESS STATEMENT pic.twitter.com/jDsqmQtzlb
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) October 24, 2022
Madaxweynaha dalka Pakistan Dr.Arif Alvi ayaa dilka wariyaha ku tilmaamay khasaare soo gaaray bahda warbaahinta iyo guud ahaan Pakistan.
Dhanka kale ururka tifaftirayaasha dalka ee Kenya Editors’ Guild ayaa dalbaday in baaritaano degdeg ah lagu sameeyo dilka Arshad Sharif.
Madaxa KEG Churchill Otieno, ayaa sheegay inay qasab tahay in la ogaado sababta loo dilay wariyaha iyo cidii ka dambeysay.
KEG ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoyska, ehellada iyo asxaabta wariyaha.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ee NPS ayaa sheegtay in kastoo dilka uu si khalad ah u dhacay haddana in baaritaano dheeraad ah la wado.