Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee IPOA ayaa shir jaraaid oo uu shalay qabtay waxaa uu walaac uga muujiyay dilalka sharci darrada iyo shakhsiyaadka la waayo.
Guddoomiyaha IPOA Anne Makori oo warbaahinta kula hadashay xaruntooda dhexe ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay mas’uuliyad ka saaran tahay la xisaabtanka waaxda qaran ee adeegga booliska.
Waxay intaasi ku dartay inay si dhow ula socdaan waxqabadka booliska ka dib markii loo soo gudbiyay cabashooyin dhowr ah oo la xiriira afduubyo iyo dilal.
Waxay Anne Makori intaasi ku dartay in maamulka madaxa bannaan ee IPOA uu bishii koowaad ee sanadkan billaabay baaritaano ku aaddan meydad gaarayay 25 oo laga helay webiga Yala ee ismaamulka Siaya.
Waxaa ka sii horreeyay in bishii Sagalaad ee sanadkii hore ay sameyeen baaritaano la xiriira 13 meydad ah oo isla webigaasi laga helay ilaa iyo haddana dabagalka uu socdo.
IPOA ayaa laga soo xigtay inay sidoo kale gacanta ku hayaan baaritaannada ku aaddan dilal bariga ismaamulka Turkana loogu gaystay 11 qof oo 8 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil amni.
Anne Makori ayaa sheegtay in caqabadaha ay wajahayaan ay ka mid tahay inaynan waaxda qaran ee adeega booliska ee NPS si dhow ula shaqeyn.
Waxay ballanqaaday inay shaacin doonaan waxyaabaha uga soo baxo baaritaannada iyo talooyinkooda.
Maamulka IPOA ayaa dhanka kale dadweynaha ka codsaday inay soo gudbiyaan xogaha ay hayaan ee gacan ka gaysan karo baaritaannada.
Waxaa uu maamulkan xaqiijiyay in xogta la ilaalin doono si aan loo dhibaateyn marqaatida.