Baarlamaanka oo maalinkii saddexaad turxaan bixin doono wasiirrada magacaaban

0
543

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan turxaan bixinta lagu sameeyo shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa maanta sii wadi doono howl uu 17-kii bishan billaabay.
Sida ku cad jadwal ay maalmo ka hor soo saartay Karaaniga baarlamaanka Serah Kioko, waxaa maanta su’aallo la waydiin doonaa Onesimus Kipchumba Murkomen ( waddooyinka), Rosalinda Soipan Tuya ( deegaanka iyo keymaha ), Peninah Malonza (Dalxiiska), Zacharia Mwangi Njeru ( Dhulalka) iyo Susan Nakhumicha Wafula ( Caafimaadka).
Shalay ayay ahayd markii Kithure Kindiki (oo loo soo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran), Njuguna Ndung’u (wasiirka maaliyadda ), Aisha Jumwa (Adeegga dadweynaha), Davis Chirchir (Tamarta), Moses Kuria (Ganacsiga) ay baarlamaanka hor tageen.