Aisha Jumwa oo uu bishii hore madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka wasiirradda wasaaradda adeegga dadweynaha ayaa sheegtay inay leedhahay hanti qiimaheedu tahay 100 milyan oo shilin.
Waxaa ay xustay in dhaqaalaha haatan u soo xaroodo uu yahay kaliya midka howlgabka.
Aisha Jumwa ayaa intii u dhexeysay sanadihii 2017-2022-kii soo noqotay xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Haweeneydan ayaa lagu eedeeyay inay qof dishay 15-kii bishii 10-aad ee sanadkii 2020-kii, ka dib rabshad ka dhacday goob ay doorasho ku celis ah ka socotay.
Waxaa ay cosdsatay in xilka loo magacaabay nafaas loo siiyo si ay bulshada ugu adeegto.
Dhanka kale Aisha Jumwa ayaa sheegtay inay horraan diinta islaamka ay isaga baxday, iyadoona baarlamaanka ka hor cadeysay inay masiixi tahay.