Aqalka sare ee dalka ayaa ansixiyay guddi ka kooban toddobo xubnood oo qaabilsanaan doono isku dubaridka howlihiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii senatarrada ay shalay yeesheen kal-fadhigoodii ugu horreeyay laga soo billaabo xilligii la dhaariyay.
29 senatarro ah ayaa ansixiyay xubnaha guddiga howlaha senate-ka oo isugu jiro afar matalaya isbeheysiga Kenya Kwanza iyo saddex ka tirsan Azimio.
Waxaa arrintan ka soo horjeestay balse dhanka codadka looga taag roonaaday 23 senatar.
Doodda ayaa ku saleysnayd xubinnimada senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ahna madaxa xisbiga UDM oo bishii labaad ee sanadkan heshiis siyaasadeed la galay Azimio balse doorashadii guud ka dib u wareegay dhanka Kenya Kwanza.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa ku doodayay in Roba uu weli ka tirsan yahay Azimio hasa ahaate waxaa taasi ku gacan seyray guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi.
Xubnaha kale ee guddiga howlaha aqalka sare ayaa kala ah Veronica Nduati ,Hillary Segei ,Tabitha Mutinda,Margaret Kamar , Maxamad Faki iyo Ledama Ole Kina .