Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo adeegsaday gantaallo falcelin ah

0
231

Ciidamada militariga ee dalalka Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu soo warramayaa inay adeegsadeen gantaallo culus.
Tallabadan ayay ku sheegeen mid looga falcelinayay gantaal lagu sheegay mid khatar ah oo ay dhawaan Kuuriyada Waqooyi ku tuurtay Japan.
Gantaalka ay gantay xukuumadda Pyongyang ayaa lagu tilmaamay midkii ugu riddada dheeraad waxaana ka dhalatay cambaareyn caalami ah.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa si kulul u cambaareeyay gantaalka ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi oo uu Midowga Yurub ku tilmaamay daandaansi aan laga fiirsan.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ,Antonio Guterres ayaa dhankiisa xusay in xukuumadda Pyongyang ay ku kacday fal liddi ku ah qaraarrada golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.