DHAGEYSO:Sanbaloolshe oo shaaciyay in reer Hiiraan aysan sii wadi karin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0
334

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka Soomaaliya, islamarkaana ka soo jeedo gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolkaasi.
Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in reer Hiiraan aysan sii wadi karin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay dareemayaan culeyska in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan ururkan.
Xidlhibaanka ayaa sidoo kale farriin u diray beelaha kale ee Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay kala qayb qaataan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab