KNEC oo shaacisay xilliyada la sameyn doono imtixaannada KCPE iyo KCSE

0
315

Golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayaa shaaciyay in imtixaannada fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da la qaban doono inta u dhexeysa bilaha 11-aad iyo 12-aad ee sanadkan.
Imtixaannada KCPE-da ayaa si rasmi ah u billaaban doono 28-ka bisha 11-aad waxayna soconayaa ilaa 30-ka bishaasi.
Dhanka kale imtixaannada fasalja afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ayaa furmi doono laga billaabo 21-ka bisha 11-aad ee Nofeembar ilaa 23-ka bisha Diseembar ee sanadkan.