Wasiirka arrimaha dibadda ee Japan oo dalka imaanaya

0
833

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Japan ,Motegi Toshimitsu ayaa waxaa maanta Kenya uga billaaban doonto booqasho labo cisho ah.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa lagu sheegay in safarka mas’uulkan uu qayb ka yahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Mr. Toshimitsu iyo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku kulmi doono madaxtooyada State House ee Nairobi.
Waxaa uu wasiirku sidoo kale wada-hadal la yeelan doonaa dhigiisa Kenya Ambasadoor Raychelle Omamo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa hoosta ka xarriiqday in xiriirka dibloomaasiyeed ee Kenya iyo Japan uu soo jiray tan iyo 1963-dii.
Qoraalka wasaaradda waxaa sidoo kale ku cad in socdaalka Motegi Toshimitsu uu labada waddan fursad u siinaya inay dib u eegis ku sameyaan cilaaqaadkooda oo ay isla meel dhigaan siyaabo xiriirkan lagu sii adkeyn karo ka dib marka laga gudbo cudurka COVID-19.