Howlgalo amni o ka dhacay magaalada Boosaaso

0
1008

Wararka ka imaanaya Magaala Xeebeeda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaas laga Fuliyay Howlgalo amaanka lagu Xaqiijinayo.
Howgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayna qeyb ka ahaayeen Ciidamada Madaxtooyada Maamulka Puntland Ayaa  laga sameeyay Magaalada Boosaaso waxayna Saraakiishu sheegeen inuu amaan Xaqiijin ahaa.
Howgalada laga sameeyay Bosaaso ayaa qaatay ku dhow sagaal sacadood waxana laga sameeyay Bartamaha laamiga Boosaaso Xaafadaha qaar iyo Hoteelada Magaalada, iyadoo ay jiraan dad ay Ciidamada soo qabteen inta uu howgalka socday kuwaasoo lagu sameen doono Baaritaano kala duwan.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay howlgalaldaan sii socon doonaan ilaa ammaanka Magaalada boosaaso laga xaqiijinayo, isagoo bulshada ugu baaqay inay Ciidamada la Shaqeeyaan.
Howlgalkaan laga sameeyay magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada lagu dilay Haweeneey la sheegay inay Ganacsatao aheyd, iyadoo dadkii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta ka baxsadeen.