Booliska Ruushka oo sheegay in la aqoonsaday nin dilay 15 qof

0
376

Maamullada dambi baarista ee dalka Ruushka ayaa sheegay inay aqoonsadeen nin lagu eedeynaya inuu ka dambeeyay toogasho dugsi lagu bartilmaameedsaday oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ruux..
Falkan ayaa laga gaystay magaalada Izhevsk ee gobolka Udmurtia.
Dadka toogashada ku dhintay waxaa ka mid ah 11 carruur ah.
Falkan ayaa ah midkii afaraad ee gobolkaasi laga gaystay 15-kii bilood ee ugu dambeeyay.
Laamaha ammaanka ee xukuumadda Moscow ayaa magaca dambiilaha ku sheegay Artem Kazantsev oo 30 iyo dhowr sano jir ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka dib markii uu weerarka fuliyay uu isla goobta isku toogtay.
Toogashada waxaa ku dhaawacmay 24 qof oo ay 22 ka mid ah carruur yihiin waxaana hadda socdo baaritaano dheeraad ah.