Xilli dagaalo u dhexeya Ciidamada dowladda iyo xoreynta deegaanka ee isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka socday deegaanno ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya ka hadashay kacdoonka shacabka ee la xiriira dagaalka lagula Jiro ururka Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay daaha ka qaaday sida uu ku billowday dagaalka iyo kacdoonka beelaha Soomaliyeed.
Waxaa uu sheegay in abaabulka dagaalka ay lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeele oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobalka Hiiraaan ayna shacabka degan gobalka Hiiraan garab ku siiyeen ciidamada dowladda sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dalka sidaaasina uu kacdoonka shacabka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu ku billowday kuna laba jibaarmay.
Sidoo kale Axmad Macali Fiqi ayaa ka hadlay Ciidamada ku maqan dalka Eriteria iyo waxa dowladda kaga qorsheysan, waxa uuna sheegay in ciidamadaasi dhawaan dalka lagu soo celin doono si ay qayb kaga qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.
Hadalka wasiirka Arimaha Gudaha ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmahan dagaalo xooggan oo lagula jiro Al-Shabaab ka socdaan qaybo ka mida dalka ayna sidoo kale jirtay hadal heyn la xiriirta Ciidamada ku maqan dalka Eriteria xilliga dalka lagu soo celin doono maadaama Horay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Ciidamada si ay uga qayb qaataan dagaalka Al-Shabaab degdeg lagu soo celinayo wadankooda.