Shacabka ismaamulka Embu oo ka hadlay falalka amni darrada ah

0
270

Shacabka ku nool dowlad deegaanka Embu ayaa walaac ka muujiyay falalka amni darrada ah ee deegaanka ku soo kordhay waxayna ku baaqeen in wax laga qabto.
Dhawaan ayay ahayd markii ganacsade lagu magacaabo Geoffrey Mwangi ay koox burcad ah dhowr xabadood ku dhufteen xilli uu ka soo baxay goobtiisa shaqada uuna ku wajahnaa hooygiisa.
Isniintii hore ayay kooxda burcadka ah waxay rasaas ku fureen xilli ganacsadaha iyo nin kale oo saaxibkiisa ah gaariga wada saarnaayeen ayagoo marayay aagga deegaanka Makatari waxaana ganacsadaha gaaray dhaawac halis ah.
Sida ay saraakiishu shegeeen ganacsadahaan ayaa markii hore la geeyay isbitaalka weyn ee ismaamulka Embu ayadoo markii dambena loo soo gudbiyay isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi.
Taliyaha booliska ee galbeedka Embu oo dhacdadaan ka hadlay ayaa sheegay inay baaritaanada billowdeen ayna ku daba jiraan kooxda burcadka ah ee dhibaatada gaysatay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kooxda weerarka gaysatay aysan wax dhac hantiyadeed ah u gaysan ganacsadaha.
Ganacsatada iyo dadka deegaanka ayaa cambaareyay falkaas waxayna ka codsadeen laamaha amaanka inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigaan dambiileyasha.
Dhacdo midaan la mid ah ayaa isla ismaamulka Embu ka dhacday bishii Lixaad ee sanadkan, waxaana la toogtay ganacsade kale oo magaciisa lagu sheegay Mbae.
Dhacdooyinkaan ka dib ayay guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Kenya laantooda Embu sheegeen inay walaac ka qabaan badqabka hantidooda iyo naftoodaba.