Ugu yaraan siddeed qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii dhisme ka kooban 6 dabaq uu ku dumay Kirigiti oo ka tirsan ismaamulka Kiambu .
Waxaa dhacdadan ku dhaawacmay dhowr qof oo kale iyadoo ay weli socdaan howlgallada samatabixinta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in saddex qof oo dheeraad ah ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka.
Saddex qof oo dhaawaca ka mid ah ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee Kiambu, dhakhaatiirta ayaana sheegaya in xaaladda caafimaad ee dhaawaca ay soo hagaagayso.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa ismaamulka Kiambu ku burburay ilaa toddobo guri waxaana arrintan loo aaneeyay in aan sida habboon loo raacin nidaamyada dhisidda guriyaha.
Barasaabka ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi ayaa sheegay in tani aan la qaadan karin wuxuuna wacad ku maray inuu qaadayo tallaabooyin looga hor tagaya dhacdooyinka guriyaha soo duma ee dowlad deegaankaasi.