Madaxweynaha dalka oo caawa khudbad ka jeedin doono kal-fadhiga 77-aad ee golaha guud ee QM

0
332

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa caawa 9-ka fiidnimo khudbad ka jeedin doono kal-fadhiga 77-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay.
Kal-fadhiga 77-aad ee golaha guud ee qaramada midooba ayaa shalay ka furmay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York.
William Ruto ayaa khudbaddiisa la filayaa inuu diiradda ku saaro, horumarka waara ee dhaqaalaha , amniga caalamka , xuquuqul aadanaha iyo qodobbo kale oo muhiim ah.
Hoggaamiyaha ugu sarreya wadanka ayaa sidoo kale la filaya inuu wada hadal la yeesho dhiggiisa Maraykanka Joe Biden iyo saraakiil ka tirsan rugta ganacsiga ee dalkaasi.
Madaxweynaha dalka ayaa maalinkii Axadda wadanka ka dhoofay isagoo u ambabaxay magaalada London ee Ingiriiska, islamarkaana uu ka qayb galay aaska boqoraddii geeriyootay ee Queen Elizabeth II.